Wararkii uUu Danbeeyey Ee Qaraxyadi Lagu Weeraray Banaanka Hotel Al Jazeera

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay laba qarax oo ka dhacay albaabka hore ee hotelka uu daganyahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo mid kale oo ka dhacay meel u dhaw hoteelka.

5 ruux oo ay ku jireen labada ruux ee isa soo miidaamisay ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qaraxyadaasi, halka labada kalana ay ahaayeen ciidamada Dowlada ee ilaalada ka heysay albaabka hotelkka Jazeera oo ku yaala agagaarka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Hotelkan oo ah kan ugu dheer xiligaan magaalada Muqdisho ayaa la furay bishi lasoo dhaafay, waxa uu ka koobanyahay ku dhawaad 10 biyaano waxaana caan yahay mudo laba maalin ah kadib marki uu ku hoyday madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud habeenki la doortay.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay albaabka laga soo galo marki uu qof isku qarxiyey, mid kale ayey toogteen ciidamada albaabka waardiyeynayay, qarax kale ayaa isna ka dhacay jidka aado KM-4 meel 100 mitir u jirto hotelka.

Marki uu qaraxa dhacayey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan kula jiray wafdi Kenyan ah oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Kenya Musas Watangulla.

Radiyaha ku hadlo codka dowlada ayaa sheegay in ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada ay fashiliyeen weerar ay soo qaadeen Al Shabab, waxa kale oo ay sheegeen in kulanka u socday madaxweynaha aysan saameyn ku yeelan qaraxyada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here