Wararki ugu danbeeyey ee ninki ajnabiga ahaa ee lagu afduubtay Koonfurta Gaalkacyo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nin ajnabi ah oo shalay kooxo hubeysani ka fduubteen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ninan oo sida la sheegay wato baasaboor Faransiis ah iyo aqoonsi saxafinimo ayaa waxaa la xaqiijiyey inuu u gacan galay kooxo burcad badeed ah kuwaasi oo kasoo jeeda gobolka Mudug.

Darawalki ku kaxaynayey gaariga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay kooxo hubeysan ay istaajiyeen gaariga kadibna jirdil iyo baad ku bilaabay ninka cadiinka ahaa iyo sidoo kale isaga qudhiisa.

“Marki ay na istaajiyeen waxaan u qaatay in ay yihiin dad anaga na ilaalin doono oo amaananaga sugi doona, laakin waxayba madaxa qoriga afkiisa uga dhifteen ninka cadaanka ahaa, anigana bistoolad ayey igu garaaceen, kadib waxay ku kaxeysteen gaari yar oo ay wateen,” ayuu  yiri darawalka gaariga.

Wasiirka amniga ee maamul goboleedka Galmudug Abshir Diini Cawaale oo ka hadlay afduubka ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo ay kusoo furanyaan ninka la fduubay, isaga oo ku eedeeyey dadka ganacsatada ah ee keenya gobolada ay ka arimiyaan in aysan lasoo socod siin dadka ay keenayaan si amaankooda ay uga kafaala qaadaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan oo war shalay soo baxay sheegayey inuu yahay Injineer uu u dhashay dalka Mareykanka, halka warar kalana ay leeyihiin wuxuu wataa dhalasho Faransiis ah.

Bishi October ee sanadki hore ayey aheyd marki kooxo hubeysan ay ka afduubteen magaalada Gaalkacyo sadex nin oo u kala dhashay dalalka Maryekanka, Denmark iyo nin Soomaali ah oo la shaqeynayey.

Wali gacanta kooxihi afduubtay ayey jiraan waxaana lasoo sii daayey ninki Soomaaliga ahaa oo kaliyah, dadkaasi waxay ka tirsanaayeen hey’ada Danish Demining Group.

Afduubka Soomaaliya ayaa caan ku ah in dadka la qafaasho lagu gato lacago madaxfurasho ah, waxaana arintaasi caan ku ah kooxaha burcad badeedka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.