Wararki ugu danbeeyey ee madasha uu ka furmayo shirka ansixinta dastuurka

In ka yar kala bar xubnaha la rabo in ay ansixiyaan dastuurka ayaa haatan xaadir ku ah madaxa uu ka dhacayo shirka ee Sikool buluusiya magaalada Muqdisho.

Wariyaasheena ku sugan goobta ayaa soo sheegaya in hoolka loogu tala galay ergada ay hada fadhiyaan dad gaaraya 300 oo ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan dowlada iyo saxafiyiinta.

Waxaa wali la sugayaa madaxda dowlada sida Ra’isulwasaaraha, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha, waxaa iyana la rajeynayaa inuu shirka kasoo qeybgalo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.

Marka laga eego sida uu haatan ku socdo shirka, waxaa dhici karta inuu furmo galabta ama maqribki caawa hadii aanan la da dajin oo aysan howluhu isa raacin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here