Wararki ugu danbeeyey ee Kooba Qaramada Africa

Waxaa meel xiisa leh maraya koobka Qaramada Africa oo sanadkaan ay si wada jir ah u marti gelinayaan dalalka Equatorial Guinue iyo Gabon.

Ciyaarti ugu goolasha badneyd sanadkaan waxa ay dhex martay dalalka Botswana iyo Guinea waxaana 6-1 ku badisay kooxda qaranka ee Guinea taasi oo soo nooleysay rajada ay ka qabto wareega labaad.

Inkasta oo goolki uu bilogi ciyaarta dhaliyey Sadio Diallo ay iska bareejeeyeen laacibiinta Botswana hadana qeybti hore waxaa si walba u maamulaysay ciyaarta xidigaha Guinea.

Diallo iyo Abdoul Camara ayaa laba gool xiriiriyey ka hor inta aanan dibada loo saarin daafaca kooxda Botswana Patrick Motsepe dhamaadki gelinki hore, waxaa afareeyey Ibrahima Traore oo kubad toos ah dhaliyey halka ay labada kale kala qeybsadeen Mamadou Bah iyo Naby Soumah.

Guushaasi waxay Guinea u xambaartay in ay isku dhibca noqdaan Mali oo soo garaacday Botswana furitaanki ciyaarta Group D.

Dhanka kalana ciyaar aad u adkeyd ayaa dhex martay dalalka dalalka ugu tunka weyn Group D ee Ghana iyo Mali, waxaana 2-0 ku awood roobaatay kooxda qaranka ee Ghana.

Ghana guushaasi waxay u dirtay wareega sideeda, kadib marki ay laba gool oo muhiim ahaa ay siiyeen xidigaha kala ah Asamoah Gyan iyo xidiga BBC-da ee Africa Andre ‘Dede’ Ayew oo ku baashaalay gool lala cajabay.

Mali iyada ayaaba la hormari rabtay gool bilowgi ciyaarta kadib marki uu bilowyoone birta ugu garaacay Diabate alwaaxa goolka Ghana.

Ciyaarta qeybteedi hore waxa ay aheyd mid isku dheeli tiran waxaana laga dareemayey in ay goobta joogaan xidigo qabiiro ah oo heysta waaya aragnimo, waxaa intaasi dheeraa in labada xul ay gurubsadeen jaalayaal badan.

Ghana iyada ayaa hada hogaaka u heysa Group D, waxay leedahay lix buunod laakin waxaanan la kala ogeyn cida soo labeyn doonta dalalka Guinea iyo Mali oo isku buunda ah.

Caawana waxaa la ciyaari doonaa kulamo ka tirsan Group A, xulalkana waxay isu arki doonaan sidan Equatorial Guinea iyo Zambia oo ah ciyaarta hore, halka kulanka labaadna uu dhex mari doono Libya iyo Senegal.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.