Wararki ugu danbeeyey ee Kismaayo iyo ciidamada huwanta oo la filayo in ay saakay gaaraan xaafadaha u harsan

Kadib marki ay Al Shabab faarujiyeen xarumihi muhiimka ahaa ee ay ka joogeen Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ay wada qabsadaan xaafadaha guud ee Kismaayo.

Dadka deegaanka oo qaar ka gaabsaday magacooda ayaa xaqiijiyey in sadex jiho ay xalay uga kala baxeen magaalada Xarakada Al Shabab, iyadoo aanan la ogeyn halki ay aadeen, waxaana maran xafiisyadi maamulka iyo fariisimihi ciidamada.

Waxaa sidoo kale hawada ka maqan Radio Ansalus oo ah idaacada Al Shabab xarunteeduna aheyd magaalada Kismaayo.

Madaafiic ayaa xalay laga maqlay magaalada kuwaasi oo ay dadka deegaanka ku sheegeen sadex madfac oo ay soo rideen ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya, waxa ay ku dhiceen dhinaca garoonka diyaaradaha.

lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi, laakin waxay qal qal galiyeen dadka deegaanka oo ka cabsi qabay in magaalada la duqeeyo.

Waxaa jirta cabsi ay qabaan dadka oo ku aadan in ay dhibaato kasoo gaarto qaraxyo laga yaabo in ay meelaha qaar uga tageen Al Shabab amaba ay ku xireen.

Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Kenya ayaanan wali ka hadlin, hase yeeshee waxaa wararku ay tilmaamayaan in ay isu diyaarinayaan sidi ay gudaha ugu gali lahaayeen xaafadaha Calanleey, Farjano iyo qeybaha kale ee magaalada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here