Wararki ugu danbeeyey ee dilki wariye Xasan Fantastik

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dilki caawa Muqdisho loogu geystay wariye Xasan Isman Cabdi (Fantastik).

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa cambaareysay dilka saxafigaan oo ahaa agaasimaha Radio Shabelle oo ah mid ka mid ah idaacadaha ugu afka dheer magaalada Muqdisho, iyada oo ku tilmaantay dil wuxushnima ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/qaadir Jaahweyn oo caawa la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in dilki wariye Fantastik uu ahaa mid aad uu uga naxay isaga oo balan qaaday in lasoo qaban doono kooxihi ka danbeeyey.

“Waa fal aad looga naxo waana fal danbiyeed baaxad weyn, falka noocaasi oo kala ahna waxaa geystay kooxo danbiilayaal ah, waxaan uga tacsiyeyneynaa dhamaan qosykiisa iyo bahda saxaafada, arintaan baaritaan ayaa lagu sameynayaa waxaana rajeynayaa in cadaalada la hor keeno,”

Qaar ka mid ah wariyaasha Shabelle oo caawa la hadlay qaar ka mid ah idaacadaha maxaliga ah ayaa sheegay in maalmihi lasoo dhaafay ay idaacada soo gaareysay hanjabaadyo kala duwan oo kaga imaanayey dhinaca Al Shabab.

Idaacada ku hadasho codka Shabab ee Al Andalus ayaa iyana warkeeda caawa kaga hadashay dilka wariyaha iyada oo ku sheegtay wariyaha caawa Muqdisho lagu dilay inuu ka mid ahaa cadawga Islaamka.

Ma jirto cid si toos ah u sheegatay dilka wariyaha, laakin habka loo dilay ayaa lagu tilmaamay sida dilalka qorsheysan loo fuliyo ee magaalada Muqdisho, waxaana toogtay laba dhalinyara ah oo in mudo ahba kusoo noq noqonayey tan iyo galabta xaafada uu daganaa marxuumka.

Si kastaba ha ahaatee dilka Xasan Fantastik ayaa noqonaya kii labaad oo mudo laba bilood gudahood ah loogu geysto magaalada Muqdisho saxafiyiinta ka howlgalo caasimada, waxaa dhamaadki sanadki hore lagu dilay wariye C/salaan Xiis.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.