Wararki ugu danbeeyey ee dagaaladi Jubada Hoose

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo xoogan oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka jubada Hoose

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Cag-Libaax oo u dhaxeeya Degmada Afmadoow iyo Qooqaani halkaas oo ay xarumo u ah ciidamada Dowlada.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan oo saklka ku hayo dagaalo shalay iyo doraad halkaasi ku dhexmaray ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Al Shabab ayaa ka danbeeyey marki ay ay dagaalyahano ka tirsan Shabab jidka u galeen kolonyo.

Ciidamada Kenyanka ah ee wadada loo galay ayaa ka yimid deegaanka Afmadow waxaana ay sahay u wadeen ciidamo ku sugnaa deegaanka Qooqaani sida ay saraakiisha Soomaalida sheegayaan.

Dagaalki maanta ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo labada dhinac ah.

Taliyaha ciidamada Dowlada KMG ee Jubada Hoose, General Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ay Al Shabaab kaga dileen dagaalka 20 ruux sidoo kalana ay ka gubeen sadex baabuur.

Saraakiisha Al Shabab oo iyana ka hadlay idaacada ku hadasho codkooda ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi.

Xaalada ayaa caawa dagan, waxaana deegaanka Cag-Libaax hada gacanta ku haya ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamada Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here