Wararki ugu danbeeyey ee dagaalada Muqdisho iyo AMISOM oo ka hadashay

Waxaa wali ka socda qeybo badan ka mid ah dhinaca waqooyi bari ee magaalada Muqdisho dgaalo xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya AMISOM iyo Xarakada Al Shabab.

Dagaaladaan oo bilowday saakay aroortii ayaa waxaa qaaday ciidanka AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya, waxaana xoogooda ay ka dhaceen dhinaca duleedka waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee caasimada, sida aaga Qabuuraha Barakaat oo ay ku sugnaayeen Al Shabab.

Inta la ogyahay 5 ruux oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan ciidamada dowalda Soomaalia ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sarkaal u hadlay Al Shabab oo lagu magacaabo Abu Muscab ayaa sheegay in ay xeelad dagaal uga soo baxeen qeybo ka mid ah Muqdisho, balse ay dib ugu laaban doonaan.

Dhanka AMISOM waxaa ka hadlay dagaalada afhayeenka Pady Ankunda oo sheegay in ciidankooda ay marki ugu horeysay ka talaabeen magaalada Muqdisho, isaga oo qiray in ay qabsadeen dhul balaaran oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Wali waxaa la maqlayaa dhawaaqa taangiyada, iyadoo dagaalo goos goos ahna ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah deegaanada Daayniile iyo Hiliwaa.