Wararki ugu danbeeyey ee dagaalada Jubada Hoose

Waxaa maanta xaalado daganaansho oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayaa deegaanadi ay shalay dagaalada ka dhaceen ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalada xoogooda shalay iyo xalay ayey ka dhaceen deegaano u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo sida Niido iyo tuulooyin ka shisheeya kuwaas oo ay isku fara saareen ciidamada Dowlada, kuwa Kenya ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabab.

Afhayeen u hadlay ciidamada Dowlada ayaa sheegay in ay ku dileen dagaalada dagaalyano ka tirsan Al Shabab, sidoo kalana ay jiraan qasaaro dhankooda soo gaaray inkastoo uusan sheegin inta ay la egtahay tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Saakay ayaa waxaa deegaanadaasi ka jirta xaalad daganaan ah oo lagu qiyaasi karo in aysan xabado dhaceyn, balse wali ay arintu qasantahay.

Al Shabab ayaa waxa ay isugu tageen magaalada Kismaayo oo ay ciidamadan is garabsanaya doonayaan in ay safarkooda kusoo afjaraan isla markaana ay la wareegaan.

Inta badan dadka ayaa ka barakacay magaalada iyaga oo qabtay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku yaala xadka Kenya si ay uga baxsadaan duqeynta iyo dagaalo laga yaabo in magaalada ay ka dhacaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here