Wararki ugu danbeeyey ee dagaalada Jaziira

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday dagaalada saakay ka socda deegaanka Jaziira ee duleedka Koonfur bari ee magaalada Muqdisho kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada isgarabsanaya iyo Al Shabab.

Dagaalada tan iyo saakay ka socday halkaasi ayaa la sheegayaa in uu sababay qasaaro nafeed oo soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay, iyadoo dagaalkuna wali ka soconayo hareeraha Jaziira.

Xarakada AL Shabab ayaa marki hore soo dhaaftay Jaziira iyaga oo aagag ka xirtay deegaanka lagu magacaabo Ceel Dheere oo wax yar u jira Jaziira, hase yeeshee saraakiisha ciidamada maamulka degmada Wadajir ayaa noo xaqiijiyey in hada laga saaray Al Shabab iminkana uu dagaalku ka soconayo halka lagu magacaabo Baqal oo ah garoonki hore ee Muuse Suudi.

Ciidamada dowlada ayaa helay gurmad xoog leh oo ay hogaaminayeen abaanduulayaasha ciidanka ee kala ah Ge. Dhagabadan iyo Gen. Gacmadulle.

Sidoo kale ciidamada Burundi ayaa ku biiray saakay kuwaasi oo fariisin ku lahaa meel u dhaw Jaziira.

Inkastoo la sheegayo in uu jiro qasaaro xoog leh oo soo kala gaaray labada dhinac hadana lama oga inta ay la egtahay tirada dhimashada iyo dhaawaca ah.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.