Warar sheegaya in Sanchez uu heshiis la gaaray Manchester City

Xidiga reer Chile ee ka gadoodsan Arsenal Alexis Sanchez ayaa warar lagu kalsoonaan karo oo ka’imaanaya dalkiisa hooyo waxeey xaqiijinayaan inuu kusii dhawaanayo ku biirista kooxda uu hogaamiyo macalinkiisi hore Pep Guardiola ee Manchester City.

Sida uu daabacay wargeyska Cooperativa ee kazoo baxa Chile, Alexis Sanchez ayaa heshiis hoose la meel dhigay Pep Guardiola si uu ugu soo biro Manchester City.

Sidoo kale wargeyskan ayaa daabacay in City ay isbuuca soo aadan wada xaajood ku saabsan arinta sanchez la yeelan doonto madaxda ugu sareysa Arsenal kaasoo lagu qiimeeyo aduun dhan 50 Million.

Sanchez ayaa xagaagan dhamaaday 24 Gool u dhaliyay Arsenal tartamada oo idil wuxuuna caawiyay 11 Gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here