Warar sheegaya in howlgal qorsheysan lagu dilay Afhayeenkii al-shabaab Cali Dheere

Wabseedka Sofrep ayaa daabacay in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareeykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya lagu dilay Afhayeenii ururka Al-shabaab Cali Raage (Cali Dheere). Weerarkan ayaa subaxnimadii talaadada aynu soo dhaafnay ka dhacay deegaanka Kuunya Baroow oo u dhow magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sofrep, oo soo xiganeysa ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegtay in Howlgalkaas lagu dilay Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, oo kamid ah madaxda kooxda ee sida aadka ah reer Galbeedka iyo Doowlada Soomaaliya u doon doonayaan, sidoo kale warku wuxuu intaas ku darayaa in qaar kamid ah saraakiisha iyo dagaalyahanada al-shabaab ay nolosha kusoo wateen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareeykanka.

War kasoo baxay wasaarada Difaaca Mareeykanka, ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan, waxaana lagu sheegay in lagu guuleeystay hadafkii laga lahaana laga gaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here