Warar ku saabsan shirka Jaamacada Carabta ee ka furmayo Baghdad + Sawiro

Qaraar qabya ah oo la filayo in laga soo saaro Shir madaxeedka Jaamacada Carabta ayaa ku baaqa Kulamao muhiim ah oo heer qaran ah oo laga sameeyo Syria iyadoo dowladana laga codsaday in ay joojiso dilka.

Qoraalkan qabyada ah oo ay nuqul ka mid ah heshay Wakaalada Wararka ee AFP ayaa sidoo kale ku baaqay in dhamaan dhinacyada ku lugta leh qalalaasaha Suuriya ay ix tiraamaan Ergayga Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay u xilsaarteen dhibka Suuriya Kofi Canaan.

Rabshadaha Suuriya ayaa waxaa ku dhintay 10,000 oo ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay iyo kooxaha Dhaq Dhaqaaqayaasha tan iyo marki ay bilowdeen sanadki hore.

Shir madaxeedkan ayaa noqon doona kii ugu horeeyey ee lagu qabta Iraq mudo 20 sana AH.

Kulanka waxaa kale oo loogaga hadli doonaa arrimaha Somalia, Falastiin iyo Yemen, sidoo kale waxaanan ka marneyn arrimaha dhaqaalaha Carabta, balse waxaa hareyn doona xaalada Syria.

Amaanka ayaa waxaa sugaya in ka badan 100,000 oo ciiidamada dalka Iraq magaalada caasimada ah ee Baghdada oo uu shirka ka dhici doono, waxaana dowlada ay ku buxineysaa dhinacyada amaanka, hotelada caasimada ku yaala iyo xarumaha shirka lagu qaban doono lacag dhan $500 million.

Inkasto oo ay sidaasi jirto amaankana si aad ah loo adkeeyey, ayaa waxaa qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey saldhig boolis bariga magaalada Baghdad, ninkaasi wuxuu dilay askari ka tirsan booliska halka laba kalana ay dhaawacmeen.


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.