Maxay tahay sababta uu Shariif Xasan ubooqday Nairobi?

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya haatana ah musharax madaxweyne ayaa hada kusugan magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya isagoo sida wararku sheegayaan safar deg deg ah kaga soo ambabaxay Muqdisho doraad gelinkii dambe.

Mid ka mid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan oo aan rabin in la magacaabo ayaa sheegay in Shariif Xasan xalay kulan waqti dambe qaatay la yeeshay raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo wasiiro ka mid ah golaha xukuumadda Kenya. Waxaana jiray kulan kale oo maanta ay yeesheen.

Ilo wareedyada qaar waxay sheegayaan in Shariif Xasan lagacodsaday inuu codadka xildhibaanada uu ku leeyahay baarlamaanka siiyo musharax C/weli Gaas oo Kenya ay u aragto nin xiriir dhow la leh isla markaana aan ka hor imaaneyn qorshayaasha dawlada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Dawlada Kenya, sida ilo wareedkan uu sheegayo waxay ad uga walaacsan tahay in heshiiskii badda ee loo saxiixay sanadkii 2009 uu burburo iyo in carqalad ku timaado qorshaha shidaal baarista ee ay dooneyso inay ka sameyso meel u dhow xeebta Lamu oo badweynta Hindiya ka mid ah.

Shariif Xasan ayaa beryahanbo ka fekerayaa cida uu siinayo codadka taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka taasoo sida cad uusan ku bixin doonin bilaash balse micne weyn ayey ugu fadhidaa waana sababtaasi mida keentay in saraakiisha Kenya kula gorgortamaan inuu codadka ku taageero C/weli Gaas marka la gaaro doorashada madaxtinimada ee dhacaysa toddobaadka dambe. Shariifku waxaa uu heystaa illaa 65 xildhibaan oo ah kuwii uu isaga gacantiisa ku qoray ee baarlamaanka uu geeyay, iyo qaar isaga raacsan.

Ilo wareedyada ku dhow Shariif Xasan waxay sheegayaan in sababta Kenya u rabto in C/weli Gaas codka la siiyo ay tahay in illaa hadda masuuliyiinta Kenya ay ku kalsoon yihiin in C/weli Gaas uusan ka hor iman doonin qorshayaasha Kenya iyo heshiisyadii lala galay (Arintaasi waxaa xaqiijiyey Ilyaas Barre Shiil oo u xogwaramay Odinga markii uu ku laabtay Nairobi), iyadoo ay dhici karto in haddii musharixiin kale ay jagada madaxweynaha ku guuleystaan ay diidi karaan, gaar ahaan ragga bannaanka ka ah musharixiinta KMG ah ee loo arki karo inay yihiin kuwa u ololeynaya mabda’a wadaniyadda “nationalists”.

Sida lagu daabacay wargeysyada wadanka Kenya, Kenya waxay dejisay inay shidaal ka baarto illaa 8-goobood oo afar ka mid ah ay ku yaalaan xeebta Lamu. Waxaana afartaasi ka mid ah illaa labo goobood oo ku teedsan xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaana goobahaasi ka mid ah meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya.

Dhulka ay Kenya shidaalka ka baareeyso ayaa waxaa kujira Xeebta Kismaayo oo ay Kenya ubaxsatay magaca “dhul biyood lagu muransan yahay”. Illaa haddana DKMG ah ee xilkeedu dhamaaday kama hadlin boobka lagu hayo dhul biyoodka Soomaaliya, waxaana xiise leh in waqtiga ay arimahan Kenya ku dhawaaqday ay tahay xilli doorasho ay ka dhacayso Muqdisho oo dawladii dhacday maamulkeeda iyo musharixiinta cusuba ay ku jiraan loolan siyaasadeedtaasoo micne weyn ugu fadhida dawlada Kenya in waqtigan oo kale ay kaga faa’ideysato danaheeda qarsoon.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here