Warar dheerad ah oo kasoo baxay weerar goordhow loo geystay shaqaale katirsan hay’ada Bisha Cas ee Turkiga

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar is miidaamin ah daqiiqado kahor lagu qaaday baabuur ay wateen qaar kamid ah shaqaalaha Bisha Cas ee Turkiga.

Xiriir aan la sameeynay qaar kamid ah shaqaalaha Soomaalida ee lashaqeya Turkiga, ayaa noo xaqiijiyay in 3 kamid ah shaqaalaha bisha Cas ee Turkiga uu dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarkaas, sidoo kale waxaa weerarka ku geeriyooday 4 kamid ah shaqaalaha Soomaalida oo la socday baabuur ay waten shaqaalaha Bisha Cas Turkiga.

Sidoo kale warar aan ka heleeyno Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in diyaarad deg deg ah loo dalbay dhaawaca shaqaalaha bisha Cas ee Turkiga, si dabiib Caafimaad loogu qaado dalka dibadiisa.

dhanka kale Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa goordhow la wareegay gacan ku haynta xaruunta Maxkamada gobolka Banaadir, waxaana hada dagan jawiga, manajiraan wax rasaas ama qaraxyo ah oo laga maqlayo xaruunta Maxkamada.

Weeraradaan iyo qaraxyadaan ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii ay doowlada ingiriiska ka digtay in Al-shabaab ay meel gaba gabo ah marsiinayaan weeraro qosheeysan islamarkaasna ay doonayaan ineey ka fuliyaan xaruumaha doowlada iyo hay’adaha ajaanibta ku leeyihiin Caasiamada Muqdisho.

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idiin soo gudbineeynaa insha alaah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here