Warar dheerad ah oo ka soo baxaya qaraxyo maanta Muqdisho ka dhacay

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 20 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray weerar loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu weeraray gaariga wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/kariin Xuuseen Guuleed oo marayay isgoyska mashquulka badan ee KM4.

Gaariga ayaa la sheegay inuusan la socon wasiirka markuu weerarka dhacayay balse ay la socdeen wafdi carbeed kuwaas oo ka badbaaday weerarka.

Taliyaha qaybta booliska Jeneral Garaad, oo shir jaraa’id ku qabtay goobta uu weerarka ka dhacay, ayaa wariyayaasha u sheegay ineey halkaas ku dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan hooyo iyo wiil yar oo ay dhashay, isagoona dhanka kale xaqiijiyay in gaariga wasiirka ay la socdeen wafdi carbeed.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Madiina Duniya Cali Maxamed, ayaa BBC-da u shegtay in dhaawac gaaraya 20 qof ay Isbitaalka Soo gaareen iyo 2 qof oo meyd ah, waxay sidoo kale sheegtay in dadkii Isbitaalka lasoo gaarsiiyay ay kujiraan 4 qof oo xaaladooda liidato islamarkaasna ay u sameyeen qaliimo dag dag ah.

“Waxaan saarnaa gaari mesha marayay, waxaana ka war helay qarax iyo bus, lugtaasaa dhaawac iga gaaray, Alxamdulilah wax dhib ah ma qabo” ayuu yiri Xuseen oo kamid ah dadka maanta ku dhaawacmay qaraxa lala beegsaday gaariga wasiirka arimaha gudaha.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa lagu arkayaa gawaari ku bur burtay weerarka is qarxinta ah, iyadoo gawaarida baab ba’day ay kujiraan 2 bas oo ah kuwa dad weynaha, halka gaariga wasiirka uu isna ka bur buray qaybta danbe.

Al-shabaab oo sheegatay weerarka

Ururka Al-shabaab oo si toos ah ugu xiran urur weynaha Al-qacida, ayaa sheegtay weerarka maanta Muqdisho ka dhacay, iyagoona tilmaamay in bartilmaameedku ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo wafdi cadaan ah, waxana ay sheegeen in weerarka ay u adeegsadeen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay islamarkasna wadada dhinaceeda ay dhigeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

Qarax kale oo ka dhacay Deyniile:

Dhinaca kale waxaa qarax wadada dhinaceeda la dhigay lagu weeraray gaari ay wateen Ciidamada doowlada oo marayay degmada Deyniile, waxaana 5 askari oo qaraxaas ku dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Daaru Shifaa.

Qaraxyada Maanta ka dhacay muqdisho ayaa Imaanaya maalin uun kadib markii dib loo furay wadooyinka muhiimka ah kuwaasoo xirnaa mudo 4 malmood ah, iyadoona madaxda doowlada ay ku macneeyeen in la adkeeynayay amniga Caasimada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here