Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadi Suuqa Bakaaro

Ciidamo badan oo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa lagu daadiyey Suuqa Bakaaraha kuwaasi oo baaritaano ka wada qeybo ka mid ah suuqa saacad kadib marki qaraxyo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska.

Howlgalo wajiyo badan leh oo ay ka wada qeybqaadanayaan ciidamada booliska iyo nabadsugida ayaa ka socoanaya meelihi ay ka dhaceen qaraxyada ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dad ka badan 50 ruuxna la xiray.

Madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiisha booliska ayaa haatan ku sugan suuqa kuwaasi oo hogaaminaya howlgalada.

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana wararku ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 9 ruux, wali lama helin qasaaro dhimasho ah.

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah laga soo tuuray dhisme dabaq ah iyadoo lagu riday meel shaah laga cabo oo ay fadhiyeen dad isugu jiray boolis iyo rayid, waxaana goobtaasi ku dhaawacmay ilaa iyo lix ruux.

Waa qaraxyadi ugu horeeyey oo noocooda oo kale ah oo ka dhaca Bakaaraha tan iyo marki ay dowlada KMG Soomaaliya la wareegtay suuqa dibna u firtay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.