Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka Guriceel

Ciidamada DFS oo maanta barqadii dagaal xoogan ku qaaday degmada Guriceel, ayaa lagu soo waramayaa in laga soo durjiyay duleedka bari ee magaalada halkaasoo ay gaareen.

Askarta ciidamada Soomaaliya oo jooga Muqdisho.
Askarta ciidamada Soomaaliya oo jooga Muqdisho.
Askarta ciidamada Soomaaliya oo jooga Muqdisho.

Ahlu Sunna oo laba toddobaad ka hor dagaal culus kula wareegtay Magaalada Guriceel, ayaa maanta markale difaacatay gacan ku haynta Magaaladaasi.

Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaaya in Ciidamada Ahlu Sunna ay si buuxdo ugu sugan yihiin Magaalada Guriceel, ka dib dagaal muddo kooban soconaayay.

Labada ciidan ayaa waxaa soo kala gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad shacab ah oo waxyeelo ay ka soo gaartay dagaalkii maanta, ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Guriceel, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed.

Dhinacyadii dagaalamay, ayay sidoo kale waxyeelo kala duwan ka soo gaartay dagaalka, inkastoo aan macluumaad badan laga hayn inta uu gaarsiisan yahay.

Ciidamada weeraray Magaalada Guriceel, ayaa waxaa laba cisho ka hor laga soo daabulay Magaalada Dhuusa Mareeb, waxayna saacadihii ugu dambeeyay ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadeen duleedyada Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here