Warar Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Qarax Xalay kadhacay Nairobi

Fiidnimadii xalay xaafada Islii ee magaalada Nairobi, waxaa kadhacay qarax 3 qof ay ku dhinteen 15-kalena ay ku dhaawacmeen sida uu booliska sheegay.

Dadkaan dhaawacmay ayaa waxay ubadanyihiin Soomaali waxaana kamid ah Xilibaan Yusuf Xasan Cabdi “Indho-gammuun” oo ah Mudane laga soo doorto degmaga Kamakunji ee magaalda Nairobi.

Maxamed Ismaaciil  oo ah Xoghayaha xildhibaanka ayaa VOA u sheegay in Yusuf Xasan Cabdi uu qaraxu ka dhaawacay labada lugood iyo gacanta bidixda ah, waxaana uu intaa ku daray in bamka lagu tuuray xildhibaanka isagoo masaajidka hortiisa dadka uga jawaabayey su’aalo la xiriira doorashada soo socota ee Kenya.

Qaraxaan ayaa waxa uu kadhacay afaafka hore ee masaajidka Al-hidaaya kana tirsan xaafada Islii ee Soomaalidu ku badantahay, qaraxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay dad farabadan, waxaana loola cararay Isbitaaladii ugu dhowaa ee halkaas ku yiil.

Dadka ugu darnaay ee dhaawacyada halista ah qabay, ayaa gaadiidka gurmadka dagdaga waxay u qaadeen Isbitaalka qaranka ee kenyata iyo isbitaalo kale.

Waxyar kadib markii dhaawacyada lageeyay goobaha Caafimaadka ayaa waxaa laxaqiijiyay in 3 qof ay udhinteen dhaawacyadii soo gaaray.

“Cishahaan dukanay waana kasoo baxnay Masaajidka, waxaan taagneyn banaanka, dadkuna waxay su’alo weydiinayeen xilibaan Yuusuf Xasan, dadku waxay garayeen ilaa 150 ruux, isaga oo wada hadalka ayaana halmar waxaan maqalnay qarax xoogan, dadka dhamaana way argagaxeen” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ka ag dhowaa goobta.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa kahor ay maqlayeen rasaas.

“Waxa ay ahayd 8:30 fiidnimo oo lagu maqnaa dukashada salaada ceshaha, waxaan maqalnay rasaas dabadeedna qarax weyn ayaa xigay, markaan dibadda usoo baxnayna waxaan aragnay dad kala cararaya oo qaarkoodna dhiig ka daadanayo, qaar kalena ay dhulka jiifaan, waxaana kamid ahaa Xilibaan Yuusuf Xasan, Yuusuf ayaa dhacay marka uu masaajidka kasoo baxay” ayey tiri mid kamid ahayd dadkii ka agdhowaa goobta uu qaraxa kadhacay.

Booliska ayaa lasheegay ineey gaareen goobta ay mashaqada kadhacday, waxayna xireen dhamaan wadooyinka soo gala jidkaas, waxaa goobta daadsan dhiigii dadka qaraxa ku dhaawacmay.

Taliyaha ciidamada Booliska Nairobi Moses Nyakwama, oo goobta shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in qaraxaan uu kaduqanyahay qaraxyadii horay udhici jiray.

“Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jiray qaraxyo kala duwan, balse midkaan isaga ah waxaad mooda inuu ka duwanyahay kuwii hore, wuxuuna u muuqdaa mid latuuray, oo markaas uun dhacay, oo uma muuqdo mid meel lagu sii aasay oo qof meel kale kahagayo” ayuu yiri Moses Nyakwama.

Majirto koox durbaba sheegatay masuuliyada qaraxa, lakiin waxaa dhowr mar qaraxyo Kenya kadhacay lagu eedeeyay ineey ka danbeeyeen kooxda Al-shabaab oo iyada horay wacad ugu martay in Kenya ay ka aargudsan doonto maadaama ay ciidamo sanadkii hore usoo dirtay gudaha Soomaaliya.

Xaafadda Eastleigh oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee magaalda Nairobi, ayaa waxaa  dhawaanahan ka dhacay weerarro is dabajoog ah oo ay masuuliyiinta Kenya ku eedeeyaan inay ka danbeeyaan kooxda Alshabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here