Faah-faahin:Qaraxi Maka Al-mukarama (Daawo-sawirro)

Ugu yaraan hal qof aya adhintay in kabadan 7 kale wayn ku dhaawacmeen kadib markii wadada Maka al-Mukarama ee Muqdisho uu ka dhacay qarax baabuur.

Goobjooge degan guri ku dhow wadada Makka al Mukarama ayaa warbaahinta u sheegay in baabuurka qarxay wadada dhinaceeda la soo dhigay wax yar ka hor salaadii Jimcaha ayna ka degeen labo nin oo dhalinyaro ahaa kuwaasoo goobta isaga tagay.

Abaare 12:40 ayaa daqiiqado kahor qaraxa  waxaa wadada maray kolonyo ciidanka booliska AMISOM oo watay saddex baabuur, waxaana qaraxa uu dhacay in ka yar daqiiqad kadib.  Laakiin ciidadama AMISOM gaadiidkooda waxba ma soo gaarin.

Khasaaraha qaraxa uu geystay ayaa dhamaantiis gaaray dadka Soomaalida dhimasho iyo dhaawacba.  Sidoo kale illaa lix baabuur oo ay ku jiraan kuwa dadweynuhu raacaan ee BL-ka loo yaqaano ayaa goobtaasi ku burburay.

Taliyaha ciidanka nabad-sugida ahna Afhayeena booliska, C/laahi Xasan Bariise ayaa VOA u sheegay in wakhtigii Salaadda Jimcaha uu qarxay baabuur la dhigay wadada hareeraheeda, iyadoo dadka wax ku noqday qaraxan ay ahaayeen dad rayid oo saarnaa mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha oo wadada marayay. Bariise ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan arrintaasi la xiriira.

Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in kolonyo gaadiid oo ay ciidankoodu leeyihiin uu dhaafay wadadaasi ka hor intii aanu qaraxu dhicin.

“Kooxihii wax qarxin jiray ee Shabaab oo maalmahan naf la-caari ah ayaa maantana isku dayey inay magaaladaan dhibaato ka geystaan.” ayuu yiri afhayeenka booliska oo Al Shabaab ku eedeeyay qaraxa maanta.

Ciidanka booliska cidna uma qabanin qaraxa, dadkii baabuurka qarxay watayna lama qabanin hase yeeshee afhayeenka ayaa sheegay inay hayaan lambarka baabuurka ayna raadraaci doonaan cidii iska lahayd.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here