Waraabe dad Soomaali ah ku laayey degmada Wajeer

Waraabe ayaa sadex ruux ku cunay deegaanka Dilmaan Yaalee ee ka tirsan degmada Wajeer dalka Kenya sidoo kalana dhaawacay sadex kale.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in waraabahan oo ahaa hal xabo uu isaga oo careysan soo galay xalay dad ku noolaa baadiyaha deegaanka Dilmaan Yareey isaga oo weerar ku bilaabay hooyo iyo canug yar oo ay dhashay.

Macalin Siyaad Macalin Maxamuud oo ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in uu si xun u cunay oo uu laayey wiil yar ka hor inta uusan weerarin hooyada dhashay oo uu dhaawac culus gaarsiiyey.

Waxa kale oo uu dilay laba ruux oo caloosha iyo kelyaha ka soo saaray, halka sadex kalana uu dhaawacay.

“Xalay fiidkii ayaa ilmo dugsi ka yimid uu waraabaha dhexda uga soo dhacay, maama iyo ilmaheeduu ku hormaray iyo canugeeda, sadex ayuu dilay qaar kalana xaalkooda ma fiicna,” sidaa waxaa yiri Macalin Siyaad.

Dadka deegaanka oo is kaashaday ayaa marki danbe ku guuleystay in ay dilaan dhurwaagaan dilaaga ah

Waraabahan ayaa sida dadka deegaanka ay sheegeen dhibaato ba,an ku hayey habeenadi lasoo dhaafay dad xoolaley ah oo uu kasoo cunay in ka badan 10 neef oo lo iyo ari isugu jirta.

Dalka Kenya ayaa ka mid ah meelaha uu sida xun dadka ugu laayo waraabaha.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.