War Saxafadeed: Taagooro Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya

War Saxafadeed: Taagooro Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya

Ref: PDF/011132          Date: December. 19th , 2011

                           mediarelations@puntlanddiaspora.org     www.puntlanddiaspora.org


Waxaa Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) uu soo dhaweynayaa kulanka wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ee lagu wado inuu ka furmo Magaaladda Garoowe, Puntland , Somalia.

Waxaan kale oo aan ku faraxsanahay safarka uu Madaxweyne Shariif Axmed ku tagay Garoowe markii labaad si uu halkaas uga qaybgalo kulanka qiimaha badan ugu fadhiya Soomaalida ayidsan  in la helo wadashaqayn iyo kalsooni dhab ah oo dhex marta Dowlad Goboleedyada dalka (stakeholders) iyo Dowlada TFG.

Waxaa amaan mudan maamulka iyo shacabka Puntland oo si wadaniyad iyo walaalnimo  ku dheehan tahay wufuuda ka soo qaybgalaysa kulankaasi ugu soo dhawayeen  magaalada Garoowe.

Waxaa kale ee uu ururka PDF ugu yeerayaa xubnaha baarlamaanka TFG inay ka waan toobaan isqabqabsiga iyo khilaafaadka joogtada ah kaas oo khalkhal ku abuuraya habsocodka maamulka Dowlada, ka hor imanaya heshiiskii Kampala, xagal daacinayana hiigsashada iyo hindisaha “Roadmap” ka iyo in laga baxo kumeelgaarnimada loona gudbo dowlad dhamaystiran oo leh Dastuur ay kuna howlgasho.

Waxaan aad uga xunahay dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada dhexe gaar ahaan Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb, Waxaan shacabka iyo masuuliyiinta deegaamadaasi ugu yeeraynaa inay ka waantoobaan dhiiga qiimadarada lagu daadinayo, khilaafaadkoodana ku dhameeyaan wada hadal.

Waxaan guud ahaan Shacabka Puntland gaar ahaana reer Taleex uga tacsiyaynaynaa dilkii loo gaystay sadexda marxuun ee lagu dilay Taleex, anagoo ugu yeerayna Cuqaasha Gobolka Sool gaar ahaan reer Taleex inay ka hortagaan dhiig danbe oo daata , wada hadal iyo wada xaajoodna lagu soo afjaro dhacdadan naxdinta leh, lana soo qabto gacan ku dhiiglayaasha falalkaas xun gaystay.

Waxaan Soomaali meelay joogtaba ugu yeeraynaa Nabad, Wada-noolaansho iyo in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan, taas oo dhowrta xuquuqda muwaadiniinta kuna salaysan sharci iyo kala danbayn.

Guddiga Saxaafada iyo Xiriirka Bulshada

Puntland Diaspora Forum

War Saxafadeed -Taageero Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com