War-Murtiyeedka Shirkii London oo ku qoran Af-Soomaali

Waxaa lagu wargalinayaa akhristayaasha ku xiran shabakadda Midnimo, in af-Soomaali aan ku qornay war-murtiyeedka Shirkii magaalada London ee halka maalin qaatay.

War-murtiyeed waxaa ku ku qoran 8 qoddob oo muhiim ah.

Shirka waxaa ka qaybgalay in ka badam  50-dowladood  iyo ururro saaxiibbo la ah Soomaaliya, waxaana si wadajir ah u shir-guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaaraha Britain, David Cameron.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka London waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo caddaaladda.

SIYAADA

Waxaa laysla gartay in horumarka siyaasada Soomaaliya uu ku xiran yahay sidii loo xaqiijin lahaa daganaanshaha Soomaaliya ee waqtiga fog, waxaa la soo dhaweeyey qorsheyaasha ay dowlada Soomaaliya wax kaga qabaneyso xalinta arimaha ka jira xaga dastuurka oo ay kamid tahay wadaaga awoodaha, kheyraadka iyo dakhliga kadhexeeya dowladda iyo gobolada. Waxaa sidoo kale lasoo dhaweeyey sida ay dowladdu uga go,an tahay in ay  doorashooyin dimuqraadiyadeed ay qabsoomaan sanadka 2016. Waxaan markale ku celineynaa taageeradayada ku aadan Soomaaliya  kor u qaadida aqooneed ee hay’adaha dimuqraadiyadda Soomaaliya, waxaana haatanba aanu bilownay taageerida doorashooyinka dowladaha hoose ee bisha soo socoto kabilaabanaya Puntland.

Waxaanu soo dhaweynynaa wadahadalada mustaqbalka Soomaaliya  ee haatanba u bilowday dowlada federalka iyo gobolada. Waxaanu soo dhweyneynaa horumarka sameynta maamul – goboleedyo , waxaana rajeyneynaa dhameystirkooda. Waxaanu dhiirigelineynaa in goboladu ay wadashaqeyn la sameeyaan dowlada federaalka si loo sameeyo siyaasad Qaran oo ay kamid tahay dhameystirka dastuurka.

Waxaanu soo dhaweyneynaa shirkii aan caadiga ahayn ee IGAD Addis – Ababa 3 May, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Atoo Hailemariam Desalegn shirkaas oo layla gartay wadahadalo lagu hagaajinayo arimaha ka taagan maamul u sameynta , waxana ku boorineynaa IGAD inay meesha kasii amba qaado horumarka arinta si loogu soo bandhigo Shirka midowga Afrika ee bisga May.

Shirku wuxuu kale oo soo dhaweeyey wadahadaladii Somalia iyo Samaliland ee kadhacay dalka Turkiga.

AMNIGA

Shirku wuxu soo dhaweeyey horumarka laga gaaray ilaa haatan ladagaalanka Al-shabaab waxaana oo mahadceliyey wadamada ku taageeray ciidamada AMISOM. Waxaa laysla gartay in lataageero qorshaha amniga ee dowlada . waxaa kale oo la soo dhaweeyey kordhinta golaha amaanku uu kordhiyey waqtiga joogitaanka AMISOM. Waxaa mahad balaaran loo celiyey dowladihii kaqeyb galay ladagaalnka burcada badaha iyo doorkii ay ka qaateen maamuladu sida Puntland.

CADDAALADA

Waxaa la soo dhaweeyey himilada dowlada ee ku aadan dhanka cadaalada iyo ciidan shaqeeya oo boolis ah.

Waxa shirku soo dhoweeyey shirkii dib u habaynta Garsoorka ee Muqdisho ka dhacay bishii hore April iyo qorshaha afarta sanno ee la xisaabtanka masuuliyadeed ee booliska Somalia.

Somalia ayaa loo balanqaadey taageero dadaalada la-dagaalanka burcad badeeda ,dhismaha xabsiyaal lagu dhowrayo karaama insaanka qaybna ka noqoneysa sidii looga hortagi lahaa khatarta kooxda Al-shabaab.

DHAQAALAHA

Waxaa la soo dhaweeyey qorshaha dowlada ee dhanka dhaqaalaha iyo ladagaalanka musuqmaasua, waxaana la soo dhaweeyey go aanadii ka soo baxay shirkii wadamada G8 ee dhigayey in ay soomaaliya ku soo laabato (the World Bank, the African Development Bank, and the International Monetary Fund) waxaana la dhiirigeliyey maalgashiga Soomaaliya.

Ictiraafki IMF ayaa la bogaadshay ,waxana sidoo kale la dhiirgeliyey maalgeshida dalka sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha Somalia.

QOXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA GUDAHA OO LAGA HADLAY

Shirku waxa uu so jeedshay in la laba jibaaro dadaalada dib dalka si iskood ah ugu soo laabanyaan qaxootigu ,waxana lagu amaanay dallalka deriska ah doorkay ka qaateen soo dhoweynta malaayiinta Somalida ah.

Halwgalka UNSOM ayaa shirku soo dhoweeyey ,waxana loogu yeerey inay shaqada wadaan iyadoo wadahal iyo isfahanka la xeerinayo.

Dhamaadkii ayaa maahdcelin waxa loo soo jeedshay dhamaan intii suurigelisey qabsoomida shirkan oo la sheegey inuu ka mid yahay kuwo badan oo taageero loogu raadinayo Somalia.

GUNAANAD SHIRKA

Shirka waxaa la cadeeyey in ay Soomaaliya ka soo reyneyso waxaana loo mahadceliyey dowlada, baarlamaanka, ururada bulshada, qurbajoogta waxaana layla meeldhigay in taageero joogto ah lasiiyo.

Waxaa war murtiyeedku sheegay in shirku aqoonsaday doorka qaramada midoobay iyo midowga africa ee Soomaaliya. Waxaa kalo la soo dhoweeyay abuuritaanka Howlgal cusub oo Qaramada Midoobay ah UNSOM ee Soomaaliya.

Shirka ayaa ku dhiirigaliyay  Qaramada Midoobay in howlgalka uu bilowdo marka la gaaro 3-da bisha June.

———————————————————————————————————————————————

Waxaa tarjumay Bahda Shabakadda Midnimo

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here