War-murtiyeed laga soo saaray kulankii Gaalkacyo lagu qabtay

Shirkii wadatashiga saxiixayaasha somaliyeed ee Barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah ayaa shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Galkacyo.

War murtiyeed ay saxiixeen dhamaan dhinacyadii ka qeyb galay shirkan ayaa gabgabadii la soo saaray, waxaana uu ahaa shirkan  mid uu marti geliyay  maamulka Puntland uuna fududeeyay Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee UNPOS.

Shirka waxaa kasoo qayb galey saxiixayaashii geedi socodka barnaamijka dhameystirka xiliga kala guurka ah oo ay kamid yihiin mudane sheikh Shariif Sheekh Axmad Madaxweynaha dowlada federaalka KMG ah ee Somalia, mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka KMG ah, mudane Cabdiweli Maxamad Cali Ra’isal wasaaraha xukumada dowlada Federaalka ah KMG ah,Mudane Cabdiraxman Sheekh Maxamad Maxamud “Farole” MadaxweynahaPuntland, Mudane Cabdisamad Cali Shire Madaxweynaha ku-xigeenka Puntland,Mudane Cabdisamad Nuur Guuleed Madaxweyne ku-xgeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Sheekh Maxamad Maxamud Yusuf “Libaax” o omatalaya Ahlu-Sunaha Waljamaca iyo danjire Augistin Mahiga ergeyga gaarka ah eeqaramada midoobey u qaabislan arimaha Somalia.

Iyadoo laga ambaqaadayo xaalada siyaasadeed ee Somalia iyobaahida loo qabo in si deg-deg ah loo dhaqangaliyo barnamaijka dhameystirka eexiliga kala guurka ah “Roadmap-ka” iyo mabaadiida lagu heshiiyey Garowe1,2,waxaa hogaamiye-yaashii shirka kasoo qayb galey ka doodeen qaab loo fulin lahaaheshiisyadaasi waxeyna isku raaceen qodobada hoos ku xusan;

1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kalaguurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1 iyo 2.

2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golahaansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe 1 iyo 2 waxaanala isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugusahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.

3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 1000 qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo laguqaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.

4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed aynoqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanayaqaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada,dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.

5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madaxdhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ahiyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxintaDastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamooo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowladaFederaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood AhluSunah,

6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramadamidoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oogoobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.

6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya eemadaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda uguhoreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.

7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirkabarnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah usaaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.

8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeedee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beeshacaalamka.

9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa”Roadmap-ka” iyo mabaadiida Garowe1,2.
Waxaa saxiixey dhamaan xubnihii aksoo qayb galey kulankaan.