War murtiyeed kasoo baxay shir looga hadlay Somalia oo xalay ka dhacay New York

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga qeybgalay qadka satelaytka shir gaar ahaa oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlay Soomaaliya.


Shirkaasi oo ay si gaar ah isaga kaashadeen abaabulkiisa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dowladaha Turkiga iyo Britain waxaa loogaga hadlay isbadalka ka dhacay Soomaaliya ee xaga siyaasada iyo sidi loo caawin lahaa Dowlada cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amaanay Beesha Caalamka iyo doorka ay ka ciyaartay dib usoo nooleynta Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hada yeelatay jamhuuriyadi sadexaad sidaasi daraadeedna looga baahanyahay in Qaramada Midoobay aysan u gashan ookiyaale cusub oo ay ula macaamisho si wanaagsan.

Xasan Sheekh wuxuu ka codsaday beesha caalamka in ay ka garab siiso Soomaaliya dhinaca dhaqaalaha.

“Dal kasta oo bur buray hoosna kasoo bilaabay kama maarmo taageero dhaqaale inaga sidaasi waxba kama duwanni marka waxaan dooneynaa in aan dhisno Soomaaliya oo cusub iyo waa cusub oo dalka u dhashay,” ayuu yiri.

Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka William Haig oo ka mid ahaa madaxdi sida wanaagsan uga hadlay shirka ayaa u balan qaaday Dowlada cusub ee Soomaaliya in Britain ay ku caawin doonto kaalma lacageed oo gaaraya 10 milyan oo ganiga Ingiriiska ah.

Ra’isulwasaaraha Ingiriiska David Cameroon ayaa isna yiri Soomaaliya waxaa u dhashay waa cusub waana in la taageeraa, isaga oo tusaale usoo qaatay isabadlka Soomaaliya inuu la mid yahay kan ka dhacay dalalka carabta ee loo bixiyey Guga Carabta.

Ugu danbeyntiina Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in isbadalka ka dhacay Soomaaliya ee looga soo gudbay kumeelgaarka loona wareegay Jamhuuriyada Soomaaliya ee federaalka uu yahay kii waqtiga dheer la sugayey.

Isku soo wada duuboo shirkaasi ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay Qaramada Midoobay uga hadasho Soomaaliya tan iyo marki dalka madaxweyne uu ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here