War hada soo dhacay: Dagaal xoogan oo hada Ka Socda Gobolka Jubbada Hoose

Daacish iyo shabaab oo dagaalamay
Daacish iyo shabaab oo dagaalamay

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaal uu ka socdo degaan u dhexeeya magaalooyinka Dhoobley iyo Taabto oo lagu magacaabo Hawina.

Dagaalka, ayaa u dhexeeya ciidamo iskugu jira Soomaali iyo AMISOM gaar ahana kuwa Kenya iyo maleehsiyada kooxda Al-Shabaab.

Warar aanu ka helany ilo xogxogaal ah oo ku sugan degaankaas ayaa sheegaya in dagaalku uu qarxay kadib markii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar kedis ah ah ku qaadeen kolonyo ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida ah oo ka soo dhaqaaqay magaalada Dhoobley una socday Tabato.

Wararkii ugu dambeeyey ee degaanka laga helay ayaa sheegaya in weli iska horimaadku socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here