War Degdeg ah: Idaacadda Shabeelle oo irdaha la isugu laabay

deg deg ahCiidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta duhurkii weerar ku qaaday xarunta Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho, iyagoona irdaha isugu laabay Idaacadda shaqaalihiina waa ay xireen.

Ma cadda ilaa hadda sababta keentay in Idaacadda hawada laga saaro iyo in la xiro shaqaalihii Idaacadda ee xilligaas joogay.

Warar lagu kal soon yahay ayaa sheegaya in uu jirro khilaaf ka dhexeeyo wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga iyo Idaacadda Shabeelle.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay xariga Idaacadda Shabeelle oo dhowr jeer wax ka sheegtay madaxda dowladda iyo maamulka gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here