Boqor Buur-madaw oo hal sano lagu xakumay

Maxkamada Gobolka Maroodi –Jeex ayaa maanta  xukun halsano ah ku riday Boqor Aw-maxamuud (Buur-madaw) oo ka mid ah dadka sida weyn looga ixtiraamo Soomaaliya.

Maxkamada ayaa sheegtay in ay xukunka Boqorka u adeegsatay qodob sharci ah oo nambarkiisu yahay 156 kaasoo sheegaya ciqaabta uu leeyahay ruuxi af-lagaadeeya masuuliyiinta Somali-land.

Xukunka maanta lagu riday Boqor Buur-madaw ayaa dacwadiisa waxay socotay mudo 2-bilood ah iyadoo Boqorkuna uu 4-bilood xabsiga kujiray.

Garyaqaan Mubaarak Jaamac Aar oo kamid ahaa laba Garyaqaan oo udoodayay Boqorka ayaa warbaahinta kula hadlay maxkamada horteeda waxa uuna sheegay in xukunka uusan si cadaalad ah udhicin waxa uuna sheegay in ay racfaan kaqaadan doonaan.