WAR DEG DEG: Dagaal hada ka socda degmada Caabudwaaq

Dagaal ayaa goor dhow waxaa uu ka bilowday Magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud, kaasoo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed taageersan mudane ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo C/casiis Sacdi Jaamac iyo Ciidamada Maamulka Ahlusuna ee magaalada ka taliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ku bilowday markii Ciidamada Ahlusuna ay weerareen Xildhibaanka hoy uu degenaa, kaasoo ilaalo ka hayeen Maleeshiyo beeleed taabacsan, iyadoo dagaalka labada dhinac ka dhex bilowday.

Maamulka Ahlusuna ee magaalada Caabudwaaq ayaa horay ugu jeediyay Xildhibaanka inuu isaga baxo magaalada iyo deegaanada Galgaduud, kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyo uu maamul uga dhawaaqayay deegaanada hoos taga Caabudwaaq.

Xildhibaanka ayaa diiday inuu ka baxo Caabudwaaq, isagoo bilaabay hub uruursi iyo diyaar garow dagaal, xiisada oo aheyd mid labadan maalmood taagneyd ayaa sii xoogeysatay markii ciidamo gurmad ahaa oo ka yimid dhanka Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ay soo galeen Caabudwaaq.

Xiriiro aan la sameynay deegaanka ayaa inoo suurta geli weyday, laakiin dagaalka ayaa socday tan iyo galabta casir liiqii, hubka noocyadiisa kala duwan oo la is weydaarsanayay ahaa mid si guud ah looga maqlayay magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com