War Deg Deg: “Al-Shabaab oo Dil Toogasho ah ku xukuntay Dennis Allex”

Bayaan goordhaweyd oo maanta ah kasoo baxay Ururka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba go’aan cad laga qaatay Dennis Allex oo ah laheeste faransiis ah o gacanta Shabaab ku jira.

Bayaanka kasoo baxay Shabab oo ku qornaa afka Englishka aya waxaa lagu sheegay in madaxda Shabaab markii ay sameeyeen latashiyo kala duwan ay usoo baxday in Dennis Allex oo ah la heestaha faransiiska gabi ahaanba la toogto.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Allex muddo saddex sano ah uu ku jiraya gacanta Muslimiinta Soomaaliya maanta oo arbaca ahna Al-Shabaab ay ka qaateen go’aan cad oo ku aadan in gabi ahaanba nafta la dhaafsiiyo.

Inkastoo weerarkii Shabaab lagula qaaday deegaanka Buulo Mareer kadib ay jireen warar sheegaya in Dennis Allex uu ku geeriyooday weerarkaasi ayaan la ogeyn in iminka uu nool yahay Allex iyo Inkale inkastoo Shabaab ay sheegeen inuu nool yahay oo ay gacanta ku hayaan.

Allex ayaa muddo saddex sano gacanta Shabaab ku jiray isaga oo laga afduubtay gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteel uu ka daganaa Magaalada Gudaheeda kaasi oo lagu magacaao Hoteel Saxafi.

Kumaandooska Faransiiska ayaa dhawaan weerar ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo allex lagu heestay ku fashilmay inay soo furtaan halkasi oo looga dilay labo kamid ah ciidamada Kumaandooska faransiiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here