WAR DEG DEG AH:Qaraxyo xoggan oo caawa ka dhacay Muqdisho

deg deg ahMagaalada Muqdisho, waxaa caawa meelo kala duwan laga maqlay qaraxyo 10-ka badan kuwaasoo qaar lala bartilmaameestay ciidamada dowladda iyo kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Goobaha qaraxyada laga maqlay waxaa ka mid ah, KM4, xaafadda KPP ee degmada Hodan, Degmada Yaaqshid, Xamarweyne, Hiliwaa, Xarunta Xalane, Isgoosyada Sodanka iyo Wadnaha iyo degmada Wadajir.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxyada caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, balse waxaa sheegtay Al-Shabaab, war ay soo dhigeen barta Tweeterka ayey ku sheegeen in ay howlgalo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax-faah faahin ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa laga maqlay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wararkii u dambeeyay waxa ay sheegayaan in cidamada dowladda Soomaaliya ay bandow ku soo rogeen xaafadda Towqiif ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Bandowda ayaa timid kaddib markii xalay degmada lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, iyadoo goobta ay ka baxsadeen dadkii geystay falkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here