War Deg Deg Ah:Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo Maanta la Dilay

War goordhow ina soo gaaray waxa uu sheegaya in Gudoomiyihii Ganacsatada  Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho la toogtay,

Kooxo bastoolado ku hubeysan islamarkaan aan lagaraneyn cida ay ka tirsan yihiin ayaa gudoomiyaha ku toogtay gudaha suuqa bakaaraha,

wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dilka Gudoomiyaha ay ka danbeeyaan labo ruux oo baskoolado ku hubeysan.

Kooxo hubaysan ayaa bartamaha suuqa bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxa ay goordhaw ku dileen Guddoomiyihii ganacsatad suuqa Bakaaraha.

Gudoomiye Axmed Nuur Awdiinle ayaa wuxuu daganaa suuqa Bakaaraha waxaana lagu toogtay dhabarka dambe ee Shirka Dahabshiil laanteeda Baakaraha.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya islamarkaana goobta isku gadaamay.

dhowr jeer oo sii horeeysay ayaa isku day dil ah oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo gudoomiyaha lagu fuliyay balse waa ay suurta galiweysay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here