Diyaaradaha Kenya oo duqeeyey Gobolka Gedo

War goor dhoweyd naga soo gaaray Deegaanka Birta Dheer oo katirsan G/gedo ayaa waxay sheegayaan in in halkaas ay duqeyn ka geysteen diyaarado dagaal kuwaas oo loo maleenayo in laga leeyahay dalka Kenya.

Dadka degaanka ayaa waxay sheegayaan in laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga ukaca ah ay dhowr Gantaal ku garaaceen xero kutaal gudaha magaalada, lama tilmaamin in dad ay ku dhinteen ama uu dhaawac kasoo gaaray duqeymahaas balse masuuliyiin katirsan Doowlada KMG ayaa waxay sheegeen in qasaaro xoogan ay kasoo gaartay qaar katirsan dagaalyahanada AL-shabaab.

Goobta ay diyaaradaha duqeeyeen ayaa lasheegay ineey 80km dhanka bari kajirto magaalada Garbahaareey ee G/gedo,deegaanka Birta-dheer ayaa Al-shabaab u ah meel istiraatiiji ah oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay kuqaadaan ciidamada Doowlada Kmg iyo kuwa Kenya ee kusugan G/gedo.

wixii faahfaahin ah ee kasoo baxa waxaad kula socon doontaan wararkeena kale

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here