Maxaa ka jira inuu is casilay Abaanduulaha ciidanka qalabka sida

Warar hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonyahay Warar la isku haleen karo ayaa sheegaya in uu is-casilay Abaanduulaha Ciidamada xoogga Soomaaliya Gen. Cabdi-kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in uu is-casilaadiisa ku wareejiyay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ma jiro faah-faahin kale oo intaa dhaafsiisan oo la helay, isla markaana majirto wax war ah oo uu siiyay dhagabadan saxafadda.

Dad ku dhowdhow abaanduulaha xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Gen. Cabdi Kariim Yuusuf Dhega-badan ku qanacsaneen qaabka ay hada Doowlada wax uwado oo 20-ka bishan August ku eg.
Ilaa hadda wax-war ah kama soo bixin madaxda dowladda KMG ah Soomaaliya oo ku aadan warkan suuqa soo galay saaka oo Sabti ah oo ku saabsan in uu abaanduulihii ciidamadda Soomaaliya is-casilay.

Haddii warkan uu dhab noqdo waxa hubaal ah in ay dowladda weysay shaqsi muhiim ah, marka laga hadlaayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Gen. Cabdi-kariin Dhega-badan waxa uu ka mid ahaa saraakiisha safka hore ugu jira dagaalka lagula jiro al-shabaab, waa nin lagu yaqaano in uu ciidanka dhiiri gariyo, mararka qaar ahana Al-Shabaab afka ayuu kala dagaalami jiray, waxa uu hormuud u ahaa in Muqdisho laga saaro Al-Shabaab.

Waxa loo dhiibay xilkan markii uu ra’iisal wasaaraha ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa uu ka badbaadiyay qorshayaal badan oo lagu doonayay in lagu dilo, waxa ka mid ahaa markii darawalkiisa ay xiriir la soo sameeyeen Al-Shabaab, kuwaas oo sheegay haddii lagu guuleesto in la dilo dhaga-badan in la siin doono darawalka Mallaayin doollarka Mareekanka, laakin ninkii watay jaakad ay ka buuxan walxa-qaraxa ayaa lagu qabtay isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here