War Deg-deg ah: Shirka Turkiga oo soo dhammaaday

166Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in halkaas uu goordhow ku soo dhammaaday wadahalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaasoo muddo seddax cisho shir lahaa.

Labada dhinac ayaa goordhow kala saxiixday heshiis ka kooban dhowr qoddob.

Waxaa ugu muhiimsan in labada dhinac ay isla garteen in ay u cambaareeyaan xasuuqii ka dhacay gobalada Waqooyi ee Somaliland, xilligaas oo dalka uu madaxweyne ka yahay Maxamed Siyaad Barre, siddaas waxaa u sheegay VAO, wasiirka amniga dowladda Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay muddo 90 cisho kaddib in ay ku soo laabtaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Marka loo eego wadahadaladii horre, kan markan ayaa ah mid ay isku soo dhawaadeen marka loo eego labada dhinac heshiisyada ay yeesheen tan iyo sannadkii 2011-ka.

Sidoo kale, waxaa la isku afgartay in muddo sagaal casho kaddib dib la isugu soo laabto dalka Turkiga.

Waa markii seddaxaad oo labada dhinac ay ku shiraan Turkiga, iyadoo horrey labo jeer ugu kulmay London iyo mar Dubai ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here