Xoghayihii gobolka Banaadir oo lagu dilay qarax

Cabdikaafi Hilowle oo ku dhintay qaraxa maanta
Cabdikaafi Hilowle oo ku dhintay qaraxa maanta

Ugu yaraan lix qof oo uu ku jirro xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa ku dhintay qarax maantya maanta lagu dilay qarax ka dhacay  magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo lala eegtay gaariga Cabdikaafi ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska KM4, waxaana sidoo kale ku dhintay saddex askari oo ka tirsanaa ilaaladiisa iyo hal qof oo rayid ahaa.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Boolis iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay.

Saaka ayaa ciidanka booliska Soomaaliya waxay fashiliyeen qarax gaarigiisa loogu xiray xildhibaan Cabdullaahi Axmed Xuseen oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here