War Deg Deg AH: qarax goor dhow ka dhacay degmada Shibis

Wararka naga soo gaaray degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax uu goor dhow ka dhacay agagaarka Hotel Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ka dhacay agagaarka Hotel banaadir oo dhinaca ku haya Idaacadda Banaadir ayaa waxa uu nuuciisa ahaa Miinadda dhulka lagu aaso hasa yeeshee aan wax qasaaro ah geysan marka laga reebo qof rayid ah oo uu dhaawac fudud ka soo gaaray lugta.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in halka uu qaraxa ka dhacay ay soo qaareen ciidamada ammaanka oo la sheegay in markii horeyba ay u soo socdeen halkaasi, maadaama ay ka war halleen in Miino ay ku jirto haatanna ay wadaan baaritaanno amniga la sugayo.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com