War deg deg ah: Madaxweynihi hore ee Somalia C/laahi Yusuf oo geeriyooday

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed ayaa saakay salaadi subax ka hor ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada  Dubai  ee dalka Imaaraadka Carabta.

Geerida C/laahi Yusuf ayaa waxaa xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo C/rashiid Shire Yusuf oo ka mid ahaa dadki la joogay.

‘Wuxuu dhintay saacada Abu Dhabi marki ay aheyd 4:4 subaxnimo, intaanu dhiman maalmahan wuu kasoo reynayey laakin marki waqtiga yimid lama celin karin oo tii ILAAH baa timid, 10 daqiiqo camal ayuu xanuunsanayey kadibna wuu xijaabtay,” ayuu  C/rashiid Shire Yusuf.

Sidoo kale Aamina Yusuf Shire oo ka mid aheyd qoyska marxuumka ayaa iyaduna ka sheekeyneysa xanuunkii uu u dhintay.

“Maalmahan wuu fiicnay wuxuuna ku jiray maalmahan Sheekh Zayid Hospital, caruurtiisa ayaa la joogtay waxaana marxuumka uu geeriyootay saakay salaadi subax ka hor saacada 4:05, waxa uu ka xanuunsanayey kelyaha, ninkan kaliyah familka oday uma aheyn ee Soomaali oo dhan ayuu oday u ahaa marka aaskiisiisa goorta uu dhici doono ma ogi waxaana ka tashan doonaa saakay,” ayey tiri.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay hal xaas iyo afar caruur ah, oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood.

C/laahi Yusuf ayaa siyaasada kusoo jiray mudo 40 sanadood ah, waxaa xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadki 2004, isaga oo iska casilay bishi December sanadki 2008 marki ay is qabteen ra’isulwasaarihi hore Nur Cade.

Goor dhaw waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhdiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.