War Deg-deg ah: Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya oo furmay

War Deg-deg ah

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu halkaas ka furmay shirka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ayaa maanta codka kalsoonida u qaadayo raysul wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Kulanka waxaa hadda ku sugan in ka badan 200 oo xildhiban, waxaa jooga  madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waxaana lagu wadaa khudbado in ay jeediyaan labadooda ka hor inta aan codka kalsoonida la siin ra’iisal wasaaraha cusub.

Kulan ay ahayd inuu raysul wasaaruhu ku hor tago baarlamaanka ayaa dib u dhacay Arbacadii la soo dhaafay.

Faah-faahin kala soco bogga Midnim.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here