Dagaal xoogan ayaa haatan ka bilowday deegaanka Jaziira ee duleedka degmada Wadajir magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo sida la sheegayo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa uu ka danbeeyey kadib marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab weerar kusoo qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM halkaasi ku leeyihiin.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee maamulka Wadajir ayaa ii xaqiijiyey in dagaalka uu xilligaan si aad ah u soconayo, hase yeeshee aanu sheegi karin qasaaraha.
Maalmihi lasoo dhaafay waxaa soo baxayey warar sheegayey in Al Shabab ay soo buuxdhaafiyeen
Wixi kusoo kordho dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.