War Deg-deg ah: Buq aqable oo gacanta dowladda soo gashay

Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, waxay sheegayaan in ciidammada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay halkaas ka wadaan olole dagaal oo ku wajahan deegaanno ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

Buq-Aqable ayay qabsadeen ciidamada, iyagoo ku sii wajahan Buulo-burte.

Wax dagaal ah kama dhicin degmada oo ay horey Al-Shabaab ay u joogtay.

Dadkii ku dhaqanaa degmada ayaa la sheegay in ay ka carareen iyagoona ka cabsi qaba in lagu dagaalamo goobta.

Ciidamada qabsaday Buq Aqable ayaa la sheegay in labo dhinac ay ka sooo galeen degmada sidda ay lee yihiin wariyaasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here