Baarlamaanka oo kulan ka leh qorshaha xukuumadda

kulankii-baarlamaanka-131Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado waxa ay kulan ku lee yihiin xarunta baarlamaanka, iyagoona ka dooddaya qorshaha xukuumadda cusub ee raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo magacyada golaha wasiirrada ee uu dhowaan magacaabay.

Kulanka oo maanta duhurkii furmay ayaa waxaa ka hadlay ra’iisal wasaaraha, isagoona soo bandhigay wax yaabaha ay qaban doonto xukuumadiisa.

Raysal wasaaraha tilmaamay haddii la ansixyo xukuumadiisa in ay xooga saari doonto arrimaha ammaanka, fedaraalka, dib u dhiska dalka,iyo Al-Shabaab in laga saaro goobaha ay ka joogaan dalka dhammaadka sannadkan.

Kulanka maanta waxaa ku sugan 240 mudane, waxaana shir guddoominaaya guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Maalintii shaley ayey ahayd markii loo qaybiyay warqaddo ay ku qoran yihiin qorshaha xukuumadda cusub, kuwaasoo la siiyay in ay soo akhristaan muddo 24 saac.

Faah-faahin dheeri ah kala soco Bogga Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here