War dag dah ah: Baabuur ay la socdeen taageerayaasha xulka degmada Wadajir oo ku gadoomay agagaarka Taalada Sayidka

War hada nasoo gaaray ayaa sheegaya in baabur weyn oo ay la socday qaar ka mid ah taageerayaasha xulka kubada cakta degmada Wadajir uu ku rogmaday wadada Sayidka ee agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Baabuurka ayaa la sheegay in ay aad uga buuxeen dad fara badan oo kasoo laabtay ciyaar semi-final aheyd oo galabta garoonka kuibada cakta ee Koonis ku dhex martay degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray dadki la socday, hase yeeshee wali ma cada tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Waxaa socda dadaalo loogu gurmanayo dad dhaawaca ah kuwaasi oo ay wadaan ciidamada booliska iyo shaqaalaha gurmadka.

Ciyaarti galabta waxaa rigoorayaal ku badiyey xulka degmada Yaaqshiid oo sidaasi ugu soo baxay finalka, waxaana uu la ciyaari doonaa xulka degmada Dharkeenleey oo shalay ka badisay degmada Hodan.

Wixi war ah ee kusoo kordha kala soco Midnimo.com.