War dag dag ah: Shaqaalo dhinaca samafalka ah oo galabta lagu dilay Galguduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in galabta kooxo aanan la aqoon ay ku dileen ilaa iyo sadex ka mid ah shaqaalaha gargaarka.

Baabuur ay la socdaan ilaa iyo afar ka mid ah shaqaalo u shaqeynayey heyadaha dhinaca gargaarka ayaa la sheegay uu qarxay xilli uu marayey in inta u dhaxeysa deegaanada Ceeldheere iyo Birta-Dheer oo ka tirsan gobolka Galguduud.

Waxaanan la ogeyn qaraxa gaariga qabsaday inuu ahaa miino iyo in uu ahaa zaban lagu tuuray sida ay kusoo waramayaan wariyaasha ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Waxaa sidoo kale aanan la ogeyn cida ay u shaqeynayeen shaqaalaha la dilay, hase yeeshee waxaa goobta hada ku maqan saraakiil ka tirsan Ahlu Sunna oo sida la sheegay goobta uu qaraxu ka dhacay ka doonayey meydadka shaqaalahaan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.