War dag dag ah: Shaqaalo ajnabi ah oo goor dhaweyd lagu dilay Muqdisho

Laba ruux oo uu ku jiray qof cadaan ah ayaa goor dhaweyd lu dilay agagaarka hotel Saxafi 2 xaafada Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhimashada labadan ruux ayaa ka danbeysay kadib marki la weeraray xarun caafimaad oo ay hey’ada MSF ku leedahay Zoobe iyadoo aanan la ogeyn cida weerartay.

Rasaas ayaa laga maqlayey galabta oo dhan gudaha xarunta oo uu horay u daganaan jiray wasiirki hore ee diinta iyo awqaafta dowlada KMG Soomaaliya C/raxmaan Janaqoow, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in dadka dhintay uu ka mid yahay qof cadaan ah oo ka tirsan hey’ada MSF.

Warar kala duwan ayaa soo baxaya oo sheegaya in ay isku dagaaleen goobta ciidamada ilaalada xarunta caafimaad iyo maleeshiyo hubeysan oo aanan la garan ujeedada ay halkaasi u galeen.

Qasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inuu kordho, iyadoo wadada uu ku yaalo xarunta la weeraray ay isku hareereeyeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada.

Waxaa xarunta caafimaad jiifa bukaan u badan caruur oo lagu daweynayey iyo sidoo kale dad badan oo la jiifay bukaankaasi.

Wixi kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.