War dag dag ah. Madaxweynayaasha Sudan iyo Jabuti oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Al Bashiir oo ka mid ah madaxda ugu caansan Africa isla markaana ka mid ah dalalka walaalaha la ah Soomaaliya ayaa waxaa keentay garoonka Adan Cade diyaarad qaas ah oo ay leedahay dowlada Sudan, wax yar kadibna waxaa yimid Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sami Ongeri iyo wafdi uu hogaaminayo.

Sidoo kale hada ayaa waxaa diyaarad aad u weyn ay keentay garoonka diyaaradaha Adan Cade wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Saacad ka horna waxaa yimid wafdi uu hogaaminayey Ra’isulwasaare xigeenka Turkiga Baker Buzdag, iyadoona dhamaan wufuudaan ay soo dhaweeyeen gudi uu hogaaminayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wali wufuuda waxay iska soo daba dhaceysaa waxaana lagu wadaa in ay saacadaha soo aadan yimaadaan madax kale.

Wixi kusoo kordha kala soco halkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. Thank God this day has came.congrats to Hassan sheikh mohamud the new president of somalia,not forgeting Sheikh shariff who through his Good leadership that made it posible for this to hapen today.As asomali in Nairobi my expectation is a new dawn for all somalis from today onwards

  2. Thank God this day has came.congrats to Hassan sheikh mohamud the new president of somalia,not forgeting Sheikh shariff who through his Good leadership that made it posible for this to hapen today.As asomali in Nairobi my expectation is a new dawn for all somali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here