War Culus:-Faroole “Amaanka Puntland Waxaa Qal Qal Galinaya Masaajidyada”

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Somalia C/raxmaan Sheekh Maxamuud Fraoole oo shalay booqasho ku tagay magaalada Boosaaso ayaa ka dhawaajiyay hadal aan lagu farxin, kaasoo ahaa in dhibaatada Aamaan ee heysata Puntland ay ka kow yihiin Massjidyada.

Faroole oo ka hadlayay xarunta Ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa sheegay in amaanka maamulkaasi ay qal qalinayaan Masaajidyada yar yar ee laga dhisayo deegaanadaasi.

C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay dhanka Zakada, wuxuuna sheegay inuusan aqoon fiican u lahayn waxa lagu bixiyo iyo qaabka loo bixiyo.

” Sakada ma aqaan anigu wax lagu bixiyo maba aragno wax Caam ah oo lagu bixiyo,wan aragnaa Masaajido laga dhisayo Tuulo aan meel wax ku tukanaya aan jirin,Masaajidaka iyo Isbitaalka iyo Iskuulku waa isku fadli, ya Ceelku,hadda Carta meel la yiraahdo oo makhaayado dhowr ahi kuyaaliin oo Masaajid intee leeg yahay,xarunta weyn ee Carmo oo intaas oo Ciidan ah lagu tababaro Masaajid maleh…“”ayuu yiri.

Marki uu intaasi yiri ayuu hadana u galay dhanka Masaajidyada, wuxuuna eeda amaan darida Puntland huwiyay masjidyada yar yar ee Soomaalida ay ka dhistaan Deegaan kasta oo ay tagaan.

” Aanagu waxaan qabnaa Masaajida yaryarka ah oo tuulooyinka laga dhis dhiso iney xarumo yihiin yaryar oo Al- Shabaabku meelahaas ka furteen iyagu kuwa Argagaxisada ah wax ku qarsadaan oo Imaamaamad waa weyn oo dalka u dhashay ay joogi karin mid yar oo meelahaas lagu soo lamaaniyey uu ku qarsoonyahay,oo meelahaas hadhow miino geliya,..“”ayuu Farole.

Faroole ayaa shalay waxaa lagu qarxiyay afaafka hore ee laga soo galo Boosaaso, waxaana qaraxaasi uu ku tilmaamay mid ay ka dambeeyeen kooxo fulayaal ah.

Waan Ognahay maalmaha aan Safarka galno oo meelahan nimaadno fuliyada kuwa ahoo Ciidamada aan ku dhici karin meesha ay marayaan amnigu,dadka shacabka ama qof ay dilaan oo yiraahdaan isagaan ku beegnay,dhiigyacabyadu hadey qof dilaan iyaguna aakhirey naar ku galayaan,anaguna waan qabaneynaa waan ka aarsaneynaa iyagana u noqon meyso Sumcad,markey waxyaabahaas oo kale sameeyaan,..””ayuu yiri Mr Faroole.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Somalia ayaa noqday mid laga hadal hayo dal iyo dibad, waxaana arinta ugu daran ay tahay amaan darida Puntland oo uu dusha ka saaray Goobaha Lagu Cibaadeysto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here