Walxaha qarxa iyo wiil meydka wiil dhalinyara ah oo lagu soo bandhigay Bakaaraha


Laanta Danbibaarita Booliska ee CID ayaa maanta kusoo bandhigtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho wiil meyd ah iyo walxa qarxa oo ay ku sheegeen in uu doonayey inuu ku aaso suuqa.

Taliyaha laanta danbibaarista ee CID C/;aahi Xasan Bariise ayaa wariyaasha ku tusiyey  gudaha Suuqa Bakaaro meydka wiilka iyo aaladaha qarxo oo uu ku sheegay inuu rabo inuu ku haligo dad masaakiin ah sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaad u jeedaan ninkan dhalinyarada ah ee ka tirsanaa kooxdii nabaddiidka ah, waxaan halkaan kusoo bandhignay qandi iyo labadaan bambo, hadii uu tuuri lahaa imisa qof ayaa ku halaagsami lahaa,” ayuu yiri.

Waxa uu ugu baaqay waalidiinta dhalay caruurta ka tirsan Al Shabaab in ay kala soo baxaan.

“Waxaan ka codsaneynaa waalidiinta ilmahooda la marin habaabiyey in ay ku dadaalaan in ilmahooda kasoo baxsadaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyey Mr. Bariise.

Arintaan ayaa kusoo beegmeyso maalmo kadib marki qaraxyo loo adeegsaday bam gacmeed lagu qaaday Suuqa Bakaaraha.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.