Walcott oo heshiis cusub la gaaray Arsenal

Naadiga The Gunners ayaa maanta oo Jimco ah, xaqiijisay in uu kordhiyay xiddigga 23-jirka reer Britain heshiiska uu kula joogayo kooxda ka ciyaarta horiyaalka Primer Liege.

Arsenal iyo Theo Walcott ayaa maalmahan waxaa u socday wadahadal ku saabsan siddii ciyaaryahanka loogu heyn lahaa kooxda in mudda ah.

Walcott ayaa soo afjaray warar maalmahan la isla dhexmaraayay oo ahaa in uu ka tagaayo kooxda Arsenal.

Ciyaaryahanka illaa seddax sano iyo bar oo heshiis ah la gaaray kooxdiisa, laakin waxa loo furay in uu badali karo arrintaas.

Sidoo kale mushaarkiisa ayaa la sheegay in la ballaarin doono waxana uu toddobaadkii uun qaadan doonaa illaa 90,000 oo pounds.

Tababaraha kooxda Arsene Wenger ayaa soo dhaweeyay heshiiska cusub ee uu saxiixay ciyaaryahanka.

Wuxuu toddobaad ka hor mushaar u qaadan jiray toddobaadkii illaa 30,000 pounds, lacagtaas waa la kordhiyay.

Wuxuu kooxda ku biiray isagoo 16-jir ah, halkaas ayuu ka soo billaabay ciyaaraha isagoo ka mid ahaa  Arsenal Football Club iyo England, sidaas waxa yiri tababare Wenger .

Kooxda Gunners ayaa ka cabsi qabtay in xiddiggan haddii aan lala galin heshiis cusub isla markaana loo kordhin mushaarka uu raaci doono waddadii uu maray  Robin van Persie’ oo hadda ka tirsan Manchester United.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here