Walcott oo Buuga Dhacdooyinka la yaabka leh ku galay Rikoorkan….

theo-walcott-guinness-world-recordXidiga orordka badan ee kooxda Arsenal Theo Walcott ayaa la wareegay rikoodhka adduunka ee xiddigaha xakameeyey ama koontorooshay kubbadaha meelaha sare laga soo tuuro.

Theo ayaa noqday xiddiga rikoodhkan hadda haysta, kaddib markii uu dhulka inay gaarto u diiday kubbad laga soo tuuray meel 34 mitir dhulka ka sarreysa, isla markaana uu kubadda sare u hayey ugu yaraan shan taabasho.

Theo Walcott ayaa rikoodhan oo ahaa 32 mitir jabiyey, waxaa uu la tartamay xiddigaha ay kooxda Arsenal ka wada tirsan yihiin ee Laurent Koscielny, Francis Coquelin iyo Nacho Monreal, isagoo Walcott arrintan ku galay buugga dhacdooyinka layaab leh ee aduunka lagu diiwaan geliyo ee loo yaqaan Guinness Book of Records.

Walcott ayaa rikoodhkan kala wareegay John Farnworth oo horay u dhigay, kaasoo rikoodhkan ku haystay 32 mitir, kaddib markii Lionel Messi uu markii hore ku hayey inuu koontoroolay kubbad laga soo tuuray meel dhulka ka sarreysay 18 mitir.

Halkaan ka daawo Muuqaalka:

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here